Maxaa sababa Kabaabiyada

Maku baraarugtaa in gacanta, lugta, ama xitaa farahaaga aysan mararka qaar wax u dareemin sidii caadiga ahayd? Dareen la’aantaasi yaabka leh waxaa loo yaqaan kabaabiso, calaamad muujinaysa in neerfayaasha qaabilsan gudbinta fariimaha u dhexeeya jirka iyo maskaxda ay ku yimaadeen isbeddel. 

Kabaabiyadu  badanaa waxay ku bilaabataa gacanta oo aan si fiican u kala garan karin kulaylka iyo qabowga marka ay taabato, lugaha oo aadan si buuxda u dareemin ku socodkooda , waxay sido kale kaso muuqan kartaa qaybaha kale ee jirka. 

Sababaha keeni kara kabaabisadu waa kuwo badan, waxaase ka mid ah cadaadiska neerfayaasha, wareegga dhiigga oo liita, sonkorowga, hoos u dhaca vitamins-ka, ama xaalado kale oo la xiriira neerfaha. In kasta oo ay u muuqan karto arrin fudud, dareen la’aantu waa fariin muhiim ah oo jirku kuu dirayo si aad u ogaato waxa ka socda gudaha jirkaaga.

Qiimayn caafimaad oo hore ayaa kaa caawinaysa inaad fahanto waxa dhab ahaan ka dambeeya dareen la’aanta — haddii ay tahay dhibaato xagga neerfaha ah, wareegga dhiigga oo liita, ama isku-dheelitir la’aanta nafaqooyinka — taasoo kuu ogolaanaysa in la sameeyo daaweyn ka hor intaysan kugu noqon wax joogto ah.

Mogadishu memorial hospital , dhaqaatiirteeda waxaa qeyb ka ah dhaqtarka neerfaha oo leh 20 sano oo khibrad ah, ayna talooyin wax gal u ah ka heleen bukaan farbadan. Booqo xarunta oo ku taala laamiyaraha soobe kana hel talooyin caafimaad oo bilaash ah

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top