Maxaa keena Qalalka​

“Qof suuxay? Ma garan lahayd sidaad u caawin lahayd? Qalalku ma ahan wax laga baqo 

in ka badan 50 milyan oo qof ayaa la nool caalamka – balse intee qof baa si dhab ah u fahma cudurkaan oo astaantiisa ugu weyni ay tahay suuxintda

qalalka wuxuu ku dhacaa maskaxda waxaana ka dhalata suuxdin soo noqnoqta dadka qaarkood waxaa lagu arkaa  inay gariiraan ama ay dhacaan kuwa kale in mudo daqiiqado ah ay aamusaan amaba qofka oo gacanta si aan caadi aheyn udhaqdhaqaajiya         

Qalalka waxaa sababi kara:

Dhaawacyo maskaxeed

Xanuunno dhaxal ah

Dhiigbax iyo 

Xaalado kale oo la xiriira maskaxda”    

Inkastoo qalalka uu leeyahay saameyn xoogan lihi, hadana dad badan ayaa ula nool si caadiya iyagoo hela

Daawooyin joogto ah 

Hab-nololeed wanaagsan (sida hurdo ku filan iyo cunto caafimaad leh)

iyo taageero bulsho oo dhan walba ah

Madama uu qalalku aheyn cudur faafa, Waxaa muhiim ah in aan la takoorin dadka qaba cudurkaan ee loo muujiyo naxariis badan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top