“Qof suuxay? Ma garan lahayd sidaad u caawin lahayd? Qalalku ma ahan wax laga baqo
in ka badan 50 milyan oo qof ayaa la nool caalamka – balse intee qof baa si dhab ah u fahma cudurkaan oo astaantiisa ugu weyni ay tahay suuxintda
qalalka wuxuu ku dhacaa maskaxda waxaana ka dhalata suuxdin soo noqnoqta dadka qaarkood waxaa lagu arkaa inay gariiraan ama ay dhacaan kuwa kale in mudo daqiiqado ah ay aamusaan amaba qofka oo gacanta si aan caadi aheyn udhaqdhaqaajiya
Qalalka waxaa sababi kara:
Dhaawacyo maskaxeed
Xanuunno dhaxal ah
Dhiigbax iyo
Xaalado kale oo la xiriira maskaxda”
Inkastoo qalalka uu leeyahay saameyn xoogan lihi, hadana dad badan ayaa ula nool si caadiya iyagoo hela
Daawooyin joogto ah
Hab-nololeed wanaagsan (sida hurdo ku filan iyo cunto caafimaad leh)
iyo taageero bulsho oo dhan walba ah
Madama uu qalalku aheyn cudur faafa, Waxaa muhiim ah in aan la takoorin dadka qaba cudurkaan ee loo muujiyo naxariis badan
