Xaqiiqooyin kooban oo ku saabsan shaqada maskaxda
Maskaxdu waxay ka masuul ka tahay talaabo kasta ee uu ku qaado jirka. waxay fariin gaarsiisaa xubin walba si ay maamusho dhaqdhaqaaqa, hadalka, afkaarta iyo shucuurta
marka aad dareemeyso farxad, murug, ama aad ku jirto stress, waa maskaxdaada cida kuu abuureysa dareemahaas lkn iyadu ma dareento xanuunka
celcelis ahaan waxay isticmaasha 20% tamarta soo gasho jirkaaga, hadii aadan biyo badan ama cunto caafimaad leh cunin waxaa hoos udhacaya waxqabadkii maskaxda
inta lagu gada jiro hurdada, waxay isku keentaa xusuusaha, kala shaandheyn ayay ku samaysaa afkaarta waxayna adeegsataa nidaam loo yaqaano glymphatic system si ay isaga saarto qashinka. waana sababta ay muhiim utahay in aadan dhafrin
madama ay maskaxdu tahay meesha laga bixiyo awaamirta, dhibaato kasta oo maskax ahaan kuu saamaysa waxay isbadal ku keenaysaa shaqadii jirka
Hadaba adiga, ma ilaalisaa caafimaadka maskaxdaada?
